Waxaad maqlaysay wax ku saabsan cusboonaysiinada u-qalmitaanka xubinta bilihii la soo dhaafay. Hadda waa waqtigii xulashada qorshaha caafimaadka sannadlaha ah. Kuwani waa laba shay oo kala duwan.
Tani waa nidaam aad dib ugu cusboonaysiinayso u-qalmitaanka caymiskaaga caafimaad. Marka la gaadho wakhtigaaga dib u cusboonaysiinta, Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Minnesota (DHS) ayaa boostada kuugu soo diri doonta ogeysiis iyo baakidh ay ku jiraan tilmaamo. Raadso bakhshadda leh goobabin buluuga ah oo ay ku calaamadsan tahay "xog muhiim ah ayaa ku lifaaqan." Hubi inaad ka soo jawaabto waqtigii loogu talagalay.
Waa inaad tallaabo qaaddaa haddii kale waxaad waayi doontaa caymiskaaga caafimaadka.
Dhacdadani waxay kuu tahay fursad aad ku beddesho qorshahaaga caafimaad haddii aad rabto. DHS waxay boostada kuugu soo diri doontaa ogeysiis usbuucyada soo socda.
Si ay Hennepin Health kuugu sii ahaato qorshahaaga caafimaad, uma baahnid inaad wax tallaabo ah qaadid. Muddada AHPS waxay u dhamaanaysaa Jimcaha, Diseembar 1 xubnaha SNBC ee aan la midoobin iyo Khamiista, Diseembar 7 PMAP, MinnesotaCare iyo xubnaha SNBC ee aan labada ahayn.
Haddii aad qabtid su'aalo ku saabsan dheefaha qorshahaaga caafimaad, naga soo wac 612-596-1036, TTY 711. Ama booqo Annual health plan selection - Department of Human Services (mn.gov).