Nidaamyada heerka federaalku waxay ku baaqayan u-qalmitaanka caymiskaaga caafimaad in la cusboonaysiiyo sannad kasta. Minnesota waxay bilowday hababka dib u cusboonaysiinta. Waa kuwan waxa laga filayo iyo waxa aad samayn karto.
Waad dhawri kartaa qorshahaaga Hennepin Health. Waxaan rabnaa inaan kaa caawino inaad iska ilaaliso inaad lumiso caymiskaaga caafimaadka iyo carqaladaynta suurtagalka ah ee la kulanka dhakhtarkaaga ama buuxinta warqada dhakhtarka daawada kuugu qoro.
Waxaan kaa caawin karnaa:
Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta waraaqaha? Qolada Adeegyada Xubnuhu waxay kaa caawin karaan inaad hesho hagaha MNsure ama aad mid ka heshid onlayn barta Help from a Navigator / MNsure. Xubnaha xaqa u leh waxay heli karaan gaadiid bilaash ah markaad ballan la leedahay hagaahaaga adigoo ka wacaya Qolada Adeegyada Xubinta 612-596-1036.
Xubnaha aan u qalmi doonin Medical Assistance ama MinnesotaCare, waxaad ka soo gadan kartaa caymiska caafimaadka mnsure.org. Waxaa laga yaabaa inaad u qalanto inaad hesho qiimo dhimis cashuurahaaga ama kaa caawinta dhimista kharashyadaada Hagayaasha MNsure ayaa ku caawin kara. Isticmaali qariirada si aad u hesho mid kuu dhaw. Ingiriisi Hmong Ruush Somali Isbaanish Fiyatnaamiis